Xilli Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ay ka socdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Howl gallo lagu raafayo Soomaalida dalkaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Haweeney xaamilo ah oo Soomaaliyeed ay ka soo dhacday Dabaq ku yaalla Magaalada Nairobi.
Haweeneydaan oo la hadashay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ku nuux nuuxsatay in xilliga ay ka soo dhaceysa dabaqa ay ka dhuumaneysay Ciidamo Boliis ah oo Howl gal ku soo galay gurigeeda ayna ka dhacday daaqad dabaqa ay degneed.
Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dhawaan ayey ahayd markii Hooyooyin Soomaaliyeed oo Xaaamilo ah ay ku umuleen Garoonka Kasarani ee la isugu geeyay Shacabka Soomaalida ah ee laga soo qab qabtay qeybaha kala duwan ee Magaalada Nairobi.
Shabelle