Howl gallo Maalintii Seddexaad ka socda Nairobi

0
801

NairobiHowl gallo dad badan lagu soo qab qabtay oo galay Maalintii Seddexaad ayaa weli ay ka soconayaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa dad aad u fara badan ka qab qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen falal ammaan darri oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Qaraxyada Ka dhaca Kenya ayaa saameyn ku yeesha dadka Soomaalida ah ee degan dalkaasi kuwaas oo Booliska waddankaasi ay kula kacaan Howl gallo lagu qab qabanayo.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in dadka ay soo qab qabteen ee u badan Soomaalida ay marsiin doonaan garsoorka dalkaasi ciddi aanu wax dambi ah laheynna la sii deyn doono kuwa ay ku cadaatana sharciga dalkaasi lagu qaadi doono.

Shabelle