Iska horimaad ku dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab deegaanka Fiidow ee gobolka Sh/dhexe

0
937

AlshabaabBaraawa2Wararka ka imanaya deegaanka Fiidow oo dhinaca Waqooyi ka xiga illaa 50km magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo gaaray saaka ay kala kulmeen iska caabin xoogan ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab.

Ciidamada dowlada ayaa tiro labo jeer waxaa ku soo weeraray ciidamo Alshabaab ah deegaanka Xarar-lugoole oo qiyaastii 8km dhinaca Waqooyi ka xiga deegaanka Fiidow.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ruux ka mid ah beeralayda ku nool deegaanka Fiidow ayaa u sheegay shabakada www.jowhar.com inay arkeen uuro iyo qiiq ka baxaya halka lagu dagaalay isla markaana ay ciidamada dowlada ay dib ugu soo gurteen deegaanka Fiidow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiid dagaal loogaga qabsaday ciidamada dowlada dagaalkii saaka ka dhacay Xarar-Lugoole balse ma aha war la xaqiijiyay.

Illaa hadda lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka balse qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo dhaawac ah ayaa la keenay isbitaal ay ku leeyihiin garoonka dayuuradaha magaalada Jowhar ciidamo dowlada ka mid ah.

Ciidamada dowlada oo aan la socon wax ciidamo AMISOM ah ayaa saaka gaaray deegaanka Fiidow ee ah xadka kala qeybiya labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Jowhar