Wararka aan ka heleyno degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo warramaya in iska Hor’imaad khasaaro sababay uu ka dhacay Degmadaasi.
Iska hor’imaadka ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalamayaasha Al Shabaab.
Goob Joogayaal deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkuu uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah walow aanu cayimin xaddiga uu la egyahay.
Degmada Mahadaay oo horay gacan ku heynteeda loogala wareegay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa inta badan waxa ay ka geystaan weeraro kala duwan oo ka dhan ah Saldhigyada Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Halkaasi.
Shabelle