Jaamacada Brandeis oo ka laabatay shahaado ay siin lahayd Ayaan Hersi Ali

0
953

Jaamacada Brandeis University ee dalka Maraykanka ayaa ku dhowaaqday in aysan ku sharfi doonin shahaado haweeneyda asalkeedu yahay Soomaali Ayaan Hersi Ali oo kamid ahayd afar ruux oo ay qorsheysay in ay ku sharafto shahaadada ay bixiso jaamacada.

AyaanHirsiKadib markii uu Maamulka Jaamacada Brandeis uu ku dhowaaqay in Ayaan Hersi ay ka mid tahay afar ruux oo ay ku sharfayso shahaado bisha soo socota ayaa waxaa soo baxay diidmo weyn oo loogaga soo horjeedo siinta shahaadada Ayaan Hersi oo ah gabar aad uga soo horjeedo diinta Islaamka cadeysatayna inay ka baxday.

Inta badan kulliyadaha ay ka kooban tahay jaamacadan ayaa mas’uuliyiinta maamusha waxa ay ka qoreen warqad ay ugaga soo horjeedaan in Ayaan la siiyo shahaado.

‘Waa dharbaaxo ku dhacday ardayda Muslimiinta ah,’ayaa waxaa yiri Sarah Fahmy, oo ka mid ah ururka ardayda Muslimiinta ah

Sidoo kale Ibrahim Hooper oo afhayeen u ah golaha xiriirka Muslimiinta America oo ah ururka ugu weyn ee u dooda Muslimiinta ee ka dhisan dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay tahay wax laga qoomameeyo in jaamacad sumcad leh ay ku sharafto shahaadadeeda qof cadeystay fikrado naceyb uu ku jiro.

Ayaan Hersi ayaa ku hungowday in ay hesho shahaadahan iyadoo hore ay u qortay qoraalo badan oo ay diinta Islaamka ku aflagaadeynesyo.

Ayaan Hersi ayaan haysan wax diin ah hase yeeshee waxa ay ka dhalatay qoys caan ah oo aabaheedna waxa uu ahaa siyaasi mucaarad ku ahaa dowladii hore ee Siyaad Barre. Ayaan Hersi ayaa waxa ay u dhaxdaa Niall Ferguson oo u dhashay dalka Britian.

Jowhar