Booliska dalka Kenya ayaa la sheegayaa inuu shalay xiray nin u dhashay dalka Sacuudi Carabiya oo lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, kaas oo laga qabtay deegaanka Kiunga ee degmada Lamu oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Ninka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Hanas ayay dambi-baareyaashu tilmaameen in laga qabtay degmada Lamu ee xeebta ku taalla mar uu halkaas gaaray Arbacadii la soo dhaafay.
Taliyaha booliska degmada Lamu, Samson Obara ayaa wargeyska the Star ee ka soo baxa Nairobi u sheegay in Axmed lala qabtay labo nin oo kale oo Kenyan ah, isagoo caddeeyay inay sidoo kale heleen doon nooca dheereeya ah oo uu xusay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay u isticmaalaan inay isaga kala gudbaan Kenya iyo Soomaaliya.
Wuxuu xaqiijiyay in ninkaas oo ku doodaya inuu ahaa kalluumeysato lagu wareejiyay booliska la-dagaallama argagixisada si baaritaan dheeraad ah loogu sii sameeyo.
Samson Obara ayaa sheegay in ninka uusan wadan wax dukumiinti ah oo u oggolaanaya inuu Kenya ku dhex safro, sidoo kalena ay ku adag tahay inuu ku hadlo af-English ama Kiswahili, wuxuuna tilmaamay in marka baaritaankiisa la soo gabagabeeyo loo gudbdin doono maxkamad.
Bar-kulan