Kulan ammaanka looga hadlayay oo ka dhacay Qoryooleey

0
1169

CabdulqadirSiidi20130610C/qaadir Max’ed Nuur Siidii oo ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in kulan looga hadlayay xoojinta amniga iyo ka hortaga Kooxaha labisan dareeska Ciidamada dowladda ee dhibaateeya Shacabka uu ka dhacay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka ay dowladda ku saacidaan in ay siiyaan Xogaha iyo siraha qarsoon ee la xiriira dhibaatada Kooxaha Shacabka ku dhex dhuumaaleysanaya si looga hortago tacadi iyo dhib loo geysto dadka Rayidka.

Mudane C/qaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa sidoo kale sheegay in Rashinkii ugu horeeyay oo gar gaar ah ay dowladdu gaarsiisay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan raashinka gar gaar ee loogu tala galay dadka ku tabaaleysan degmada Qoryooleey islamarkaana bixintiisa ay Maanta billaabayaan.

 

Shabelle