Kulan ammaanka looga hadlayay oo xalay lagu qabtay Degmada Heliwaa

0
983

CabdikariimGuuleedKulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha C/raxmaan Max’ed Bankax iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen Muungaab.

Wasiirka Amniga oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu jiro dadaal xagga amniga ah oo ay sameeyeen dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir loona baahan yahay in meeshooda ay ka soo dar dar geliyaan si cadow carqaladda ku ah Nabad Gelyada looga hortago.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Bankax ayaa isna sheegay in loo baahan yahay iskaashi dhan weliba ah oo laga sameeyo sugida Nabad Gelyada Muqdisho.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mr Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa carabka ku adkeeyay in Maamulkiisa ay ka go’antahay xasilinta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ee xalay kulanka amniga looga hadlayay lagu qabtay ayaa ka mid ahayd degmooyinka ugu amniga xun Magaalada Muqdisho.

Radio Muqdisho