Kulan u dhaxeeyay Odayaal iyo Barre Hiiraale oo fashil ku dhamaaday

0
1136

BarreHiiraaleKulankani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana u dhaxeeyay Odayaal, Waxgaradka iyo Siyaasi Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay Degaanka Goobweyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa maanta wauxuu ku soo dhamaaday fashil.

Siyaasi Barre Hiiraale ayaa kulanka untii uu socday waxaa Odayaasha iyo Waxgaradkan ay ka dalbadeen in Hubkiisa uu ku wareejiyo Ciidamada AMISOM ee Magaalada Kismaayo hase ahaatee Barre Hiiraale ayaa ka biya diiday in hubkiisa uu gacanta u galiyo Ciidamada AMISOM.

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed uu Odayaal ka diray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo loo diray in Barre Hiiraale ay la hadlaan balse Kulankii ay la qaateen Siyaasi Barre Hiiraale ayaa waxba ka soo naasacadaan.

Barre Hiiraale ayaa hore hadal uga diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii uu ku suganaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose iyadoona wadahadalkaasi uu ahaa mid la isugu soo dhaweenayay Barre Hiiraale iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, Odayaashan iyo Waxgaradka kula kulmay Barre Hiiraale Degaanka Goobweyn ayaa la sheegay in ay isku heyb yihiin hase ahaatee uu hadal ka diiday waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Odayaashii intooda badan ay dib ugu soo laabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Shabelle