Maamulka Deegaanka Lafoole oo Isbaarooyin ka cabanaya

0
980

IsbaaroKadib kulan maanta Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku yeesheen Wadayaasha ka shaqeeya Gaadiidka ka howl gala inta u dhexeysa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose yaa waxa ay cabasho ka Muujiyeen Jid Gooyooyin horleh oo la soo dhigay wadadaasi Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooeye.

Mid ka mid ah Waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka iyo Shacabka ku nool deegaanka Lafoole ay ka cabanayaan Jid Gooyooyin la soo dhigay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye taasi oo lagu dhibaateynayo shacabka iyo wadayaasha kaxeeya gaadiidkaasi.

Guddoomiyaha Deegaanka Lafoole ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Max’ud Guuleed oo isna kulanka kadib la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa uu qaata ka taagan yahay Isbaarooyinkaasi islamarkaana aanu wax tallaabo ah ka qaadi Karin Jid gooyooyinkaasi.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Deegaanka Lafoole ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in Maamulkiisa laga gacan siiyo sidii Isbaarooyinkaasi looga sifeyn lahaa deegaanka.

Shabelle