Madaxwaynaha Puntland oo kala Diray Golayaashii Deegaanka ee Degmooyinka Jariiban & Galdogob

0
922

CabdiWeli20120702_1Warka Hada Allpuntland kasoo gaaraya Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Madaxwaynaha Puntland uu si rasmi ah uka ldiray Golihii Deegaanka ee Degmooyinka Jariiban & Galdogob ee Gobolka Mudug.

Madaxwaynaha ayaa Kala dirida Golaha Deegaanka u Cuskaday inaysan Jirin wax shaqo Gole Deegaan ah oo ay hayaan, wxaana uu sheegay inay gaabis xoogan Shaqadoodii gashay.

Madaxwaynaha dawlada Puntland ayaa Dalbaday in si Deg Deg ah lugu soo dhiso Golaha deegaanka ee Degmooyinkaasi, iyadoona Gudi arinkaasi qabanay Madaxwaynaha ay uga Hareen Degmada Jariiban ee G Mudug.

Madaxwyanaha ayaa dhinaca Gaalkacyo usoo ambabaxay, iyadoona Dhanka Galdogobna la filayo in Wafdi Xukuumada & Baarlamanaka ka socda loo diro si ay uga qaybqaataan dhimaha Golaha Deegaanka ee Degmadaasi.

Dhinaca Kale Wafdi Wasiiro ah oo Madaxwyanaha uga haray Degmada Jariiban ayaa dhagaxdhigay Isbitaal wayn oo Degmadaasi Yeelanayso.

Allpuntland