Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo u dhoofay Addis Ababa

0
1202

CabdiweliGaarInEthiopia20140224_1Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Safarka waxaa ku weheliya wasiirrada amniga iyo waxbarashada ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka magaalada Gaalkacyo ka hor inta uusan dhoofin ayaa sheegay in uu kulamo ku saabsan xiriirka maamulka Puntland iyo dowladda Ethiopia la yeelan doono madaxda dalkaas.

Waa booqashadii labaad oo uu Cabdiweli Gaas ku tegayo dalka Ethiopia tan iyo markii uu noqday madaxweynaha maamulka Puntland horraantii bishii January ee sanadkan.

Bar-kulan