Madaxweynaha Puntland oo sheegay in aanu sameyn ku yeelan doonin weerarkii shalay ka dhacay Gaalkacyo Maamulkiisa

0
928

CabdiWeli20120702_1Cabdi Weli Max’ed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka hadlayay Dil shalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Shaqaalo ajnabi ah ayaa sheegay in aanu wax u dhimi doonin ammaanka deegaanada Puuntland iyo adeegyada Samafal ee Hay’adaha Caalamiga ah ay ka fuliyaan deegaanada Maamulkaasi.

Mr Gaas ayaa Carabka ku adkeeyay in ay ka hortagayaan falalkaasi in ay soo labtaan mar kale sida uu hadalka u dhigay isagoo sheegay in haatanna baaritaanno ay ku hayaan sababaha ninka falkaasi geystay ku xambaartay.

“Runtii aad ayaan uga xunahay una Cambaareyneynaa falkaasi lagu weeraray Shaqaalaha howlaha samafal u yimid Puntland” ayuu yiri Cabdi Weli Max’ed Cali Gaas.

Shalay ayaa nin labisan dareeska Ciidanka Maamulka Puntland waxa uu ku qaarijiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Labo Nin oo ajnabi ah oo u kal dhashay dalalka Faransiiska iyo Britain.

Shabelle