Madaxweynaha Somalia oo dalka dib ugu soo laabtay

0
940

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal shaqo oo uu ku soo kala bixiyey dalalka Belguim, Kenya, Rwanda iyo Burundi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiraxman Baileh oo saxaafadda kula hadlay garoonka Caalamiga diyaaradaha ee Adan Cadde ayaa sheegay in Brussels uu wafdigu uga qeybgalay Shirkii Madaxweynayaasha Afrika iyo Madaxda Yurub, kaas oo lagu xoojinayey xiriirka labada qaaradood, laguna ballamay wadashaqeyn iyo xiriir joogta ah oo dhan walba ah, sida iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, gargaarka baniaadanimo iyo horumarinta.

Wasiirku waxuu sheegay in Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Soomaalida Kenya degan loo ilaalin lahaa xaquuqdooda.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalay sanadguuradii 20aad ee falkii xasuuqa ee ka dhacay dalka Rwanda, isla markaana kulan la qaatay Madaxweynaha Rwanda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa dhigiisa Madaxweynaha Burundi kula kulmay Bujumbura oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha amniga qaarada iyo ciidamada AMISOM oo ay Burundi kaalin xoogan ku leedahay. Madaxweynaha Somalia ayaa dhigiisa uga mahadceliyey dadaalka Burundi ee Somalia oo uu sheegay inay yihiin wallaalo jira oo naftooda iyo maalkooda u huray sidii Somalia ay amni iyo nabad u noqon laheyd.

XasanSheekh20140410_3 XasanSheekh20140410_2 XasanSheekh20140410_1