Madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo oo mooshin ka dhan ah socdo

0
1131

Siilaanyo20130625Wararka naga soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegaya in mudanayaal ka mid ah golaha wakiillada Somailand ay abaabul xooggan ugu jireen sidii ay u keeni lahayeen mooshin liddi ku ah madaxweye Siilaanyo.

Mudanayaashaasi ayaa madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu ku kacay facilo isugu jira dastuur jabin, xil gudasho la’aan iyo xabgudub uu kula kacay xorriyatul qowlka iyo saxaafadda madaxa banaan oo uu caburiyay.

Waxay kaloo sheegeen mudanayaashaas ka tirsan golaha wakiillada Somaliland in horraanta toddobaadka soo socda ay geyn doonaan kalfadhiga 24-aad ee golahaasi mooshin ka dhan ah Siilaanyo, waxayna ka diideen in la xuso magacdooda.

Mooshinkan ka dhanka ah madaxweyne Siilaanyo ayaa eedaha ugu weyn ee lagu heysto waxaa ka mid ah, in uu ku xadgudbay dastuurka, farageliyayna hay’adaha garsoorka Somaliland.

Wwuxuu kaloo si aad ah u caburiyay saxaafadda madaxabanaan, isagoo xayiraad sharci darrada ah ku sameeyay wargeysyada madaxa banaan ee Haatuf iyo Hubaal, kuwaasi oo bulshadooda u adeega.

Warkii