Madaxweynaha Soomaaliya oo markii u horeysay ka hadlay xarigii Qunsulkii Safaarada Somalia ee Kenya

0
1051

XasanSheekhBarlamaanka20130910_3Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay tallaabadii Ciidamada Kenya kula dhaqmeen Qunsulkii Safaarada Soomaaliya ee Kenya Siyaad Maxamuud Shire, iyadoo tani ay mugdi gelisay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay magaalada Muqdisho Axadii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko, si uu warbixin uga siiyo dowladda sidii ay u dhacday in Ciidamada Kenya ay xiraan Qunsulka Safaarada.

Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada ku heysata dadka Soomaaliyeed ee Kenya, isagoo ku tilmaamay tallaabadii lagula dhaqmay Qunsulka arrin khilaafsan shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ee dhinaca diblomaasiyada.

“Runtii aad baan uga xunahay waxa dhacay, waa nasiib daro, waana wax khilaafsan qawaaniinta iyo xeerarka, waa wax aan u adeegeyn xiriirka labada dal, safiirka waa u yeernay, warbixin ayuu naga siinayaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay wali ku jiraan warbixin uruurin, wixii ka soo baxana ay kala hadli doonaan dowladda Kenya sida uu yiri.

Dowladda Kenya ayaa wali si rasmi ah uga jawaabin cabashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan xarigii Ciidamada Kenya u geysteen Qunsulkii Safaarada Siyaad Maxamuud Shire.

Ciidamada Kenya ayaa wali wada qab qabashada ay ku hayaan dadka Soomaalida, iyadoo boqolaal ruux ay ku jiraan garoonka Kazarani, kuwaasoo xaalad nololeed ku heysata garoonkaas oo xabsi ahaanta ugu jiraan.