Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray Safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium

0
873

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium, halkaasoo uu mudooyinkan ka socday dayactir, iyadoo ay noqoneyso Safaaradii u horeysay oo ay leedahay Soomaaliya oo la dayactiro.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Belgium Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dhismaha Safaarada ee magaalada Brussels ay dhowaan dib u dayactir xoogan ku sameeyeen, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka dhigaan meel lagu shaqeyn karo, waxaana uu xusay in horay dadweyne ay u degenaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay shirkii Madaxweynayaasha Yurub iyo Afrika ee ku soo gaba gaboobay magaalada Brussels, waxaana uu shirar gaar gaar ah uu la qaatay Madaxda badan oo reer Yurub ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxdii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo madax kale oo uu kala hadlay xiriirka labada dowladood iyo taageerida dowladda Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa uu ugu deeqay Soomaaliya lacago malaayiin doolar ah oo dib u dhis iyo mashaariic looga hirgelinayo, waxaana qorshahaas loogu magac daray New Deal (Hiigsiga Cusub).

Jowhar

XasanSheekhInBelgium20140404_5 XasanSheekhInBelgium20140404_1 XasanSheekhInBelgium20140404_2 XasanSheekhInBelgium20140404_3 XasanSheekhInBelgium20140404_4