Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xaruntii hore ee xerada Agoonta ee degmada Hodan, Halkaasi oo ay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka hirgelineyso dhismo loogu talagalay in lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa markii uu xerada tegay waxa uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xerada dhismaha uu ka socda oo xilligaasi ay ka soconayeen howlo lagu dhisayo xerada qeybaheeda kala duwan.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay xerada Agoonta dhismaha ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka waddo oo uu ku sheegay in ay tahay xero loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka qalabka sida, waxaana uu intaa ku daray in la diyaariyay macalimiintii tababarka bixin lahayd
Taliyaha ayaa xusay in tababarada ciidamada la siinayo ay noqon doonaan kuwa joogta ah, maadaama dowladdu ay go’aan ku gaartay in ciidamada lagu tababaro gudaha dalka xaruntana ay qeyb ka noqon doonto xarumaha lagu tababarayo ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay boqolaal shaqaale ah oo xarunta dhismo ka waday ayaa ku dhiiri geliyay inay si hagaagsan u gutaan shaqada dhismaha ay hayaan, maadaama goobta la dhisayo ay tahay xarun shacabka loogu adeegayo, waxaana uu muruq maalkii dhismaha ku guda jiray ku booriyay in ka faa;iideystaan mashaariicda kala duwan ee dalka dib u dhis loogu sameynayo.
“Waxaan idin leeyahay dhalinyarada ha lagu baraarujiyo inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, waayo sharafta dadka waxa ay ku jirtaa in qofka uu shaqeysto, idinkana arrintan waan idinku dhiirigelinayaa” ayuu yiri Madaxweynaha
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa socdaal ku tegay isbitaal ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka hirgelineyso magaalada Muqdisho, waxaana uu Madaxweynuhu Imaaraadka uga mahadceliyay mashaariicda kala duwan ee ay ka wadaan dalka.