Sida lala socdo waxaa afar malmood oo xiriir ah magaladda Muqdisho ka socday kualan balaaran oo uu daahfuray madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo loogu yeeray shirweyne qaran ee amniga dalka oo ay ka qeyb galeen Xubno iskugu jiray labada Golle ee dalka.
Hay’adaha ku shaqada leh nabadgalyada, Gudoomiyayaasha Goboladda iyo degmoyinka dalka culumadda soomaliyeed rag magacooda ku hadlayay iyo qeybo kale oo ka socday beeshacaalamka, ayaa la soo gabagabeeyay.
Shirkaan dhanka ammaanka loogaga hadlayay ee ka socday hoteelka Jasiira, ayaa intii uu socday waxaa labadii malmood ee ugu horeysay si gooni gooni ah gudaha magaladda muqdisho loogu dilay laba xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka soomaliya,iyadoo aanan cidi loo soo qaban weli marka laga reebo tuhun oo kaliya, ayaa waxaa soo baxayay dhaliilo loo jeedinaayo shirkasi amniga loogaga hadlayay.
In kasta oo mlintii shalay la soo gaba gabeeyey Shirweyne Amaanka dalka looga hadlayey ayaa hadana waxa amni xumo magaalada kusoo korortay maalmihii dambe ka hadlay Madaxweynaha Dalka Somaliya xasan sheikh maxamuud waxaana uu si cad u sheegay in xiligaan aysan jirin hay,ado amni oo gudan kara wajibaadkii bulshadda ka sugeysay ayna ku horkufeen.
Md Xasan Sheekh ayaa waxa khudbad uu xalay ka jeediyey Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya waxuu ku dhaliilay hogaanada sare ee Hay’adaha Amniga qaranka inay ku guul dareysteen wax ka qabashada dhanka Nabad gelyada guud ee dalka soomaliya.
Madaxweyne Xasan waxa uu tibaaxay inay hay’adaha Amniga sidii la rabay aysan waxba uga qaban falalka amnidarri eek u sii baheysa caasimadda muqdisho isagoo Shacabka Somaliyeed ka codsaday inay dulqaad muujiyaan iskuna dayayaan sugida nabad gelyada dalka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay bur burinta dalka dadka kuwada inay dagaal la galayaan oo ay ka mid yihiin dadka isbaarooyinka dhigta,dadka inta la xiro hadana inay xabsiga tagaan soo daaya iyo kuwa dawlada ushaqeeya ee hantida musuq maasuqa dhamaantood dadkaa iyaga ah waxa uu sheegay inay yihiin kooxdda Al Shabaab.
Hadalkaan sida lama filaanka ah uga soo yeeray Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo ay guud ahaan goboladda bartamaha iyo kuunfurta ay ka soconayaa dagaalo loogaga saaraayo dalka kooxda Al-Shabaab,iyo iyadoo amniga guud ee caasimadda Muqdisho uu xiligaan faraha ka sii baxayo.
Somaliweyn