Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmuud oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shir ay soo qaban qaabiyeen Midowga Yurub loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo ka furmaya dalka biljemka.
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ku sii wajahan magaalada Brussles ee caasimada Buljimka, halkaas oo uu kaga qeybgelidoono shir looga hadlayo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyo badan.
Shirkaasi ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Midowga Yurub, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in shirka ka jeedo khudbad kaga hadlayo xaaladda dalka iyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto ciribtibtirka argagixisada Shabaab.
Gebagebada Shirkaasi ayaa la filayaa iney ka soo baxaan go’aanno wax tar u leh ummadda Soomaaliyeed, waana shirkii labaad ee Soomaaliya dhaqaale loogu ururinayo oo lagu qabto dalka Biljimka tan iyo markii dalku ka baxay marxaladdii KMG aheyd.
Radio Muqdisho