Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ka dib booqsho labo habeen qaadatay ee uu ku joogay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo la soo sameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshadda kuna dhiiro-geliyey in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal ,dib-uheshiisiin, is-afgarad iyo nabad.
Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka mahad-celiyey sida loogu soo dhaweyey magaalada Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay midnimo muujiyaan .
“Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo. marar badan ayey dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dulqaad yari. Dowladda ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda iyada ayaana masuuliyadda leh marka waa in Dowladda looga dambeeyo waxyaalaha loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynahu.
Ugu dambeyntii Hogaamiye dhaqameedyadda iyo dhammaan dadkii kale ee uu la kulmay Madaxweyanaha ayaa ka mahad-celiyey booqshadda labadda maalmood ahayd ee uu Madaxweynahu ku joogay Baydhabo. Sidoo kale Madax Dhaqameedyada Ballan qaaday inay sii wadayaan wadahadaladda Dowladdana la shaqeynayaan.