Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nidaamka Federaalka ah ee dalka ka hirgelaya waxa uu yahay iyo ujeedada loo sameynayo in maamulada dalka ka jira ay ku dhaqmaan nidaamka Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay soo baxayaan ifafaalo muujinaya in maamul goboleedyada dalka ka jira ay ka weecinayaan Federaalka ujeedada loo asaasay, wuxuuna sheegay in maamulada dalka ka jira ay u adeegsanayaan hab qabiil.
“Waxaan ka digayaa in nidaamka Federaalka loo adeegsado qabiil si loogu dumiyo Dowladda dhexe” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay maamulada dalka ka jira ay sameystaan maamul Federaal ah oo taageeraya Dowladda dhexe ee dalka ka jirta.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda dhexe ay tahay mid ay ku midoobayaan dhammaanba maamulada dalka ka jira, iyadoo laga amba qaadayo Federaalisamka dalka ka jira, ayuu sheegay inaan la adeegsan ficillo muujinaya qabiil iyo hab beeleed.
Jowhar