Masuuliyiinta maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo barakacayaal ah oo gaaraya degmadaasi, kuwaasi oo qaar ka cararay dagaalada ka dhacaya deegaanada gobolkaasi.
Maxamed Cismaan Yariisow gudoomiyaha degmada Marka oo la hadlay Radio Risaala ayaa sheegay inay sameeyeen gudi wax u qabta dadkaasi gaaraya degmada, kuwaasi oo kala qaabeynaya dib u dajinta loo sameynayo.
Isagoo sheegay inay qaarkood la dajiyay xerooyinka ku yaala degmada iyo duleedkeeda ayna jiraan dad kale oo maalin kastaa gaara degmada Marka sida uu sheegay gudoomiye Yariisow.
Dhanka kale gudoomiyaha degmada Marka ayaa sharaxaad ka bixiyay dhankooda waxyaabaha u qabteen dadkaasi barakacayaasha ah ee gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Magaalada Marka waxaa ku sugan dad badan oo dan yar ah oo qaarkood gudoomiyaha uu sheegay inay ku biireen xerooyinka barakacayaasha ah ee ku yaala degmadaasi.
Warkii