Maxay Puntland ka dhahday qabshada Somaliland ee Taleex?

0
952

MadaxtooyadaPuntland20140125Qoraal kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii Degmada Taleex ee gobolka Sool ay ku qabsadeen ciidamada maamulka Somaliland.

Qoraalka ayaa u qornaa sedan:-

1.Dowlada goboleedka Puntland waxay si kulul u canbaaraynaysaa xadgudubka qaawan ee maamulka Somaliland , waxayna uga digaysaa Dawlada puntland cawaaqib xumada ka iman doonta gardaradooda.

2.Puntland waxay in badan ku baaqaysay ilaalinta nabadda iyo daris wanaaga; hadii taa la waayo, Puntland waxay diyaar u tahay inay daafacdo dadkeeda iyo dalkeeda.

3.Waxaan uga digaynaa maamulka Siilaanyo taageerada, taakulaynta iyo la shaqaynta kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab oo liddi ku ah nabada iyo xasiloonida Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

4.Daan daansiga maamulka Siilaanyo ee uu kusoo qaaday deegaamada Puntland, wuxuu salka ku hayaa fashilka siyaasadeed ee ka haysta gudaha maamulkiisa si uu u jaah-wareeriyo shacabkiisa.

5.waxaan ogaysiinaynaa Wadamada Ururka IGAD, Midowga Afrika, iyo beesha caalamka in Puntland aanay u dulqaadan doonin gardarada joogtada ee maamulka Siilaanyo iyo wada shaqaynta uu la leeyahay Al-Shabaab.

Warkii