Meydadka saddex ruux oo la gowracay oo saakay lagu arkay magaalada Baydhabo

0
957

baydhabo3Meydadka saddex ruux oo la gowracay ayaa saaka lagu arkay gudaha magaalada Baydhabo, kadib markii lagala baxay guryahooda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya meydadkan oo la sheegay inay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo siyaabo kala duwan guryahooda loogala baxay.

Midka ka mid ah saddexda ruux ee la gowracay ayaa la sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo oo ku aadan dil wadareedkan xalay ka dhacay magaalada.

Arrintan ayaa waxay cabsi iyo baqdin ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo, kadib markii la arkay meydadkan oo qudha laga jaray madaxii iyo jirkii kale oo is ag-yaala.

Dhinaca kale Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay la wareegitaankii deegaanka Daynuunay oo saldhig milateri u aheyd ciidamada milateriga, iyadoo deegaankan uu istiraatiiji u yahay isku xirka Baydhabo iyo Buurhakaba ilaa magaalada Muqdisho.

Jowhar