Milkiilaha Hotelka Kuwait Placa oo xabsiga loo taxaabay

0
793

KuwaitPlaceHotelMilkiilaha Hotelka Kuwait Placa ee magaalada Muqdisho, iyo siyaasiyiin dhawaan ku shiray Hotelkaas, ayaa xabsiga Muqdisho loo taxaabay, kadib wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siyaasiyiin iyo xilibaano katirsan Baarlamanka Soomaaliya, ayaa maalin kahor Hotelka Kuwait Placa ee degmada Waaberi shir ay ku yeesheen waxay ku doorteen M/weynaha maamul la magac baxay Banadir State.

Gudoomiye Muungaab, ayaa horay uga digay inaan Muqdisho lagu qaban karin shir uusan maamulka ka warqabin, cidii ku qabatana tallaabo adag laga qaadi doono.

Siyaasiyiin ka qeyb galay kulanka kadhacay Kuwait placa, ayaa sheegay in si xaqdaro ah loo xiray Milkiilaha Hotelka iyo siyaasiyiinta kale, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo soo daayo.

Midnimo