Mudanayaasha Soomaalida ah ee ku jira baarlamanka Kenya oo la kulmay shacabka Islii

0
1159

AdenDualeKenyaXildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka dalka Kenya ayaa kulanka la qaatay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan
xaafada islii oo mudooyinkan danbe ay ka jireen xaalado amaan daro ah

Ulajeedada kulanka aya aheyd in bulshada Soomaaliyeed ay usoo bandhigaan xildhibaanada ku jira dawlada Kenya tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagula kaco waxaana ugu horayn u hadlay dhanka shacabka qaar ka mida masuuliyiin gudiga ganacsatada Soomaalida ee xaafada islii.

Waxaa goobta soo buuxdhaafiyay boqolaal dadwayne ah oo isugu soo baxay guud ahaan xaafada islii, waxaana aad ka dheehan karaysay shucuubtooda saamaynta ay lu yeelatay dhibaatooyinka amni daro ee ka jira xaafada maalmihii aynu soo dhaafnay.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku dhawaad 20 xildhibaan oo Soomaali ah oo ku jira Baarlamaanka dalka Kenya, waxaayna dhamaantood ku nuux nuuxsadeen in ay isbadal la taaban karo ka samayn doonaan xaalada cakiran ee ka jirta xaafada Soomaalidu degto ee islii.

Afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya mudane Aadan Bare Ducaale oo ah shiqsiga 3-aad ee wadanka Kenya ayaa kulanka kaga dhawaaqay inaanu jirin qaxooti dib loo celinayo qof kasta oo Soomaaliya oo haysta sharciga qaxootiga uu meesha uu doono kaga noolaan karo dalkani Kenya, waxaana hadalka mudane Ducale si wayn usoo dhaweeyey qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya.

Radio Muqdisho