Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay Xaafada Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley, iyadoo dilkan uu noqonayo mudanihii labaad oo 48-saac gudahood lagu dilo Muqdisho.
Xildhibaaka la dilay oo lagu magacaabayay Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursale ayaa waxaa ay kooxo ku hubeysan bastoolado ku dileen meel u dhow gurigiisa xilli uu ka soo baxay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay ku baxsadeen gaadiid, waxaana markii uu falka dilka dhacay kadib goobta gaaray Ciidamada Ammaanka.
Xildhibaanka la dilay ayaa la sheegay inuu ku soo jeeday xarunta Golaha shacabka oo uu maanta Baarlamaanka ku lahaa looga hadlayo miisaaniyada.
Shalay ayay aheyd markii Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino lagu dilay qarax miino gaadiidkiisa lagu xiray, halka Xildhibaan kale oo lagu magacaabayay Maxamuud Cali Dhuux isna uu ku dhaawacmay qaraxaas.
Dilalkan loo geystay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ku soo beegmayaan, iyadoo magaalada muqdisho ka socdo shir ammaanka dalka looga hadlayo, kaasoo galay maalintii saddexaad.
Radio Muqdisho