Muun-gaab “Ciidamo ka hortaga dhaqan xumada Xeebta Liido ayaan sameynaynaa”

0
1061

Muungaab20140303_1Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin culus waxa ay u direen Dhalinyarada qurbaha ka timid ee falalka anshax darada ah ee ka baxsan Dhaqanka umada Soomaaliyeed kusameeya Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Xasan Muungaab ayaa sheegay in la sameenayo ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay ka hor tagaan falalka anshax darada ah ee Dhalinyardaa qurbaha ka timid ku sameeyaan Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

“Dhalinyaradiina qurbaha ka timid waxii wanaag ah aad soo barateen noo keena waan idinka faa’ideenaa, laakin maya anshax daro ma yeeleyno taasi in aad ku sameesaan xeebta Liido, Ciidamo ka hortaga falalka Anshax darada ah ay sameeyaan Dhalinyarada qurbaha ka timid ayaa la sameenayaa” ayuu yiri Godoomiyaha Gobolka Banaadir.

Jen Muungaab ayaa qiray in ay jiraan Dhalinyaro qurbaha ka timid oo Xeebta liido u taga in ay ku seeyaan Falal aan habooneyn oo anshax daro ah, waxa uuna tilmaamay in Ciidamada gaarka ah ee loo sameenayo kahor taga Falalkaasi la howl galin doono.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili Gudoomiyihii hore ee Gobolka Tarsan uu soo bandhigay Falal anshax daro ah ay Xeebta Liido kusoo kordhiyeen dhalinyaro badan oo katimid qurbaha.

Warkii