aaGudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab”ayaa sheegay in Maamulkiisu uu san ogalaan Doonin Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Xiran.
Muungaab ayaa sheegay in ay Jiraan Wadooyinka Muqdisho,intooda badan ay u Xiran yihiin Shaqsiyaad iyo Qof walba oo Hal Askari wata.
“Wadooyinka Muqdisho Amnidaro uma Xirna ee Waa Fowdo,Guri kasta hortiisa Dhagax ayaa lagu goostay,Maamulka Gobolka Banaadir u Dulqaadan mayo Arintaas.
Waxaa uu sheegay in Xitaa ay Baneen doonaan Dhagxaata Madaxda Dowladda ay ku Xirtaan Hortooda si Wadooyinka loofuro dadkuna ay kalsooni u helaan.
Waxa hadalkaan uu imaanayaa xili Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho ay u Xiran yihiin Dowladda Federaalka iyo Hay’ado Dalka Jooga iyo sidoo kale Hottelada ku yaala Magaalada.
Warkii