Labo Ruux oo ka tirsan Injineerada Turkiga ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu dhaawacay Degmada Cabdi-Casiis ee Gobolka Banaadir kadib Kooxo hubeysan ay Gantaalo ku garaaceen Dhismaha Saafarad Cusub ee Turkey oo halkaasi laga dhisayay.
Labada nin ee dhaawacantay, ayaa waxay qayb ka ahaayeen Injineerada Turkiga ee Dhismaha ka wada Safaarada cusub ee Turkiga, ee lagu wado in laga hirgeliyo agagaaraha Dekadii hore ee Duqda.
Gantaalka lagu dhuftay Dhismaha Safaarada, ayaan la garanayn goobta laga soo tuuray balse waxaa Weerarkaasi ku dhaawacmay labo Ruux oo ka tirsan Shaqalaha Turkiga iyadooan dhaawacooda loo qaaday Magaalada Ankara ee Dalka Turkey.
Injineerada Turkiga ee weerarkaan ku dhaawacantay, ayaa waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay Recep Keskin iyo Maxamed Yakup Saraç kuwaasi oo lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Muqdisho.
Majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii lagu dhaawacay labo Muwaadin oo u dhashay Dalka Turkey kuwaasi oo lag qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho islamarkaan la geeyay Magaalada Ankara ee Dalka Turkey.
SkyNews FM