Nabadoon caan ahaa oo ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa xalay niman bastoolado ku hubeysan ku dileen degmada Beledxaawo, iyadoo nabadoonka maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa xalinta xiisado ka taagnaa degmada.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayay Aadan C/qaadir (Aadan Dheere) oo si weyn looga yaqaanay degmada Beledxaawo, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in kooxaha dilay ay baxsadeen.
Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka uu maalmihii u dambeeyay xalinayay khilaaf u dhaxeeyay dhalinyaro ka yimid dhinaca degmada Doolow iyo Maamulka degmada, waxaana maamulka uu ku amray in dhalinyaradan ay ka baxaan degmada, kadib markii lagu eedeeyay inay fowdo wadaan.
Sidoo kale waxaa uu nabadoonka si gaar ah u waday xalinta khilaaf u dhaxeeyay maamulada degmada Beledxaawo iyo Doolow.
Maamulka degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadaha degmada howl galo dad lagu soo qab qabtay.
Dilalka iyo beegsiga lagu hayay Nabadoonada iyo odayaasha dhaqanka ayaa joogto ka noqday Koofurta Soomaaliya, iyadoo bartamihii bishan iyo bishii hore lagu dilay Kismaayo labo nabadoono caan ka ahaa Jubooyinka.
Jowhar