Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaan weli la dhayalsan karin qatarta Xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, xilli muddooyinkaan dambe Shabaab laga qabsaday deegaano badan oo ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya.
Nichlos Kay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in hada xaalada dalka Soomaaliya ay mareyso ay tahay mid wanaagsan, Al-Shabaabna laga qabsaday deegaano badan oo ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya.
Iyadoo xaalada dalka uu ku sheegay inay tahay mid wanaagsan Mr Kay, hadana iskama uusan indha tirin qatarta ay leeyihiin Al-Shabaab, marka loo eego weerarada kala duwan oo ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya iyo dilalka qorsheysan ee ay fulinayaan.
“Al-Shabaab waxaa saaran cadaadis badan waxa ay miciin bidayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka iyo dilalka ay geysanayaan” Ayuu yiri Mr Kay oo la hadlay Tv-ga Al Jazeera.
Nichlos Kay ayaa intaasi raaciyay “Aad ayaa loo daciifiyay Al-Shabaab balse weli waxa ay leeyihiin qatartooda, sababtoo ah dagaalyahano Ajaanib ah oo dalka Soomaaliya jooga ayeey ka helaan taatiko kala duwan”.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya Nichlos Kay, ayaa sheegay si looga guuleysto Al-Shabaab inay haboon tahay in juhdi iyo dadaal badan lagu bixiyo dhisida ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ciidanka ay meesha uga saaraan Shabaabka dhibaatada Soomaaliya ka wada.
Al-Shabaab ayaa todobaadkii aan soo dhaafnay waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen labo Xildhibaan oo Baarlamaanka dalka ka tirsan, midkalena waa ay dhaawaceen, taasi oo ka dhigtay inay si weyn usii muuqato qatarta Al-Shabaab ay leeyihiin.
Warkii