Ururka qaran ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay xarigga 5 weriye oo shalay lagu xiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa lagu dhaliilay sida uu maamulka Somaliland ula dhaqmo warbaahinta madaxa-bannaan ee ka howlgasha deegaannadaas.
War-saxaafadeedka ayaa looga codsaday maamulka Somaliland inuu xorriyaddooda degdeg ugu soo celiyo weriyeyaasha u xiran.
Booliska Laascaanood ee maamulka Somaliland ayaa shalay xiray weriyeyaasha oo lagu eedeeyay inay ka qayb galeen shir maamulka looga soo horjeeday, sida uu warbaahinta u sheegay, ku-xigeenka taliyaha booliska Laascaanood, Axmed Cabdi Geelle.
Bar-kulan