Sida uu ku soo warramayo Wariyaheenna C/casiis Max’ed Cali Xaaji waxaa Qarax Miino Degmada X/weyne ee Gobolka Banaadir lagula eegtay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay 1 Xildhibaan ayaa ku dhintay qaraxa oo la sheegay in Gaariga Xildhibaanada ay wateen loogu xiray Xildhibaan kalena waa uu ku dhaawacmay iyo ugu yaraan 4 qof oo kale oo shac meesha ka ag dhawaa ahaa.
Xildhibaanka ku geeriyooday weerarka ayaa lagu Magacaabi Jiray Xildhibaan Isaaq Miiro halka Xildhibaanka dhaawacmayna lagu Magacaabo Xildhibaan Max’ed Cabdi Dhuux.
Guddoomiyaha Degmada X/weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir C/qaadir Max’ed C/qaadir oo Saxaafadda halka qaraxu uu ka dhacay kula hadlay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa miino loogu xiray gaariga xildhibaanada meel baakin ah oo ay dhigteen markii ay meesha ka kaxeysan rabeenna lagu qarxiyay isagoo carabka ku adkeeyay in ay ku raad joogaan Kooxihii falkaasi ka dambeeyay.
Shabelle