Qaraxyo ay ku geeriyoodeen dad rayid ah oo xalay ka dhacay Muqdisho

0
788

MogadishuStreetLightsMagaalada Muqdisho waxaa xalay fiidkii ka dhacay laba qarax oo sababay dhimasho, dhaawac dad rayid ah iyo burbur soo gaaray baalayaal ku shaqeeya cad ceeda.

Goob jooge u waramayay Shabakaddaan ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bamka gacanta laga tuuro, kaasi oo lagu xiray ilaa laba baalle oo ku shaqeeya cad ceeda halkaasi oo ay ku badnaayeen dad rayid ah.

Qaraxyada ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa isgoysyada Sayid iyo suuqa Bakaaraha, waxaana ku geeriyooday laba ruux oo rayid ah, halka shan qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale daqiiqado kaddib waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamada amniga degmada Hodon, iyagoona halka uu qaraxa ka dhacay ka qaaday dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Ma aha markii ugu horeysay oo qaraxyo lala eegto baalayaasha cad ceeda ku shaqeeya oo ay Muqdisho ka hirgeliyeen hay’adaha Turkiga, iyadoo muddo dhowr goor ah sidaan oo kale baalayaal loogu qarxiyay magaalada Muqdisho.

Somaliweyn