Aliim Sadiiq oo ah Afhayeen u hadlay UNSOM ayaa beeniyay in Qaramada Midoobay kadib dilal ka dhacay Muqdisho oo loo geystay Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ay shaqaalaheeda kala baxeyso Soomaaliya.
Sadiiq ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay ka go’antahay in weli ay sii caawiso Soomaaliya islamarkaana ay yihiin warar aan sal iyo raad laheyn wararka sheegaya in Qaramada Midoobay ay qorsheyneyso in shaqaalaheeda ay kala baxdo dalka.
Nicolas Key Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya oo kadib dilal loogu geystay Muqdisho Xildhibanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la hadlayay Warbaahinta ayaa ka digay saameyn ay ku yeelan karaan shaqaalaha Qaramada Midoobay dilalkaasi iyo Weliba diblumaasiyiinta Caalamiga ah.
Shabelle