Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Ambasador Cli Ameeriko, ayaa sheegay in Soomaalida aan sharciga lahayn ee maalmihii ugu danbeeyay lagu qab qabtay Islii dib loogu celi doono dalkooda.
Ameeriko, ayaa sheegay in kulankii shalay magaalada Nairobi ay ku yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya looga wada hadlay arrimaha qoxootiga Soomaalida iyo qabqabashada dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.
“Waxaan ka shaqeynaynaa in dadka llaa hadda la qabtay wixii heysta sharci la sidaayo oo loo ogolaado inay dalka joogaan, laakiin wixii aan lahayn sharci waxaan ku ballanay inaan ka qaadano oo aan dadkeena ku ceshano dalkeena, waayo dadkan waa Soomaali, waxaana masuul ka ah safaarada Soomaaliya oo ah wakiilka rasmiga ah ee dawlada Soomaaliya.” ayuu yiri danjire Ameeriko.
Dib u celinta dadka Soomaalida ah ayaa la sheegayaa in socon doonta illaa inta hawlgalada ay wadaan ciidamada booliska Kenya ay ka socdaan magaalada Nairobi.
Maalintii shalay oo kaliya ayaa waxaa la xiray dad ku dhow 1,000 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo laga soo qabtay xaafada Islii oo ay meesha ay Soomaalida ugu badan degan yihiin dalka Kenya.
Warkii