Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo Qarax lagula eegtay Gobolka Sh.Hoose

0
884

Qarax20130616Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Qarax Miino halkaasi lagula eegtay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Ururka Al Shabaab iyadoona Sarkaalkan ay ku raadjoogaan Dowladda Mareykanka.

Gaariga oo ahaa Land –Rover islamarkaana ay la socdeen sida la sheegay C/qaadir Maxamed C/qaadir Ikrima iyo Bashiir Maxamed Maxamuud “ Qoorgaab oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Al Shabaab ayaa waxaa Qaraxa lagula beegsaday Gobolka Sh.Hoose .

Warar isqilaafsan ayaa sheegaya in labadan Sarkaal iyo Darawalkii waday Gaari in ay badbaadeen hase ahaatee qaar ka tirsan Amniyaadka Al Shabaab waxaa lagu tuhmay in ay Qarax halkaasi ku aaseen.

Inkastoo la damacsanaa in Nafta la dhaafsiiyo C/qaadir Maxamed C/qaadir Ikrima iyo Bashiir Maxamed Maxamuud “ Qoorgaab ayaan suuro gelin balse waxaa la is weydiinayaa sababta Xubno ka tirsan Al Shabaab ay u beegsanayaan Saraakiishan.

Ugu Mareykanka ayaa C/qaadir Maxamed C/qaadir Ikrima oo u dhashay Dalka Kenya waxuu dul dhigay lacag dhan ilaa iyo 3 Million oo dollar iyadoona Axmed Godane lagu eedeyay Dilalka ka dhanka ah Saraakiisha Sar Sare ee Ururka Al Shabaab.