Kooxo Hubeysan ayaa siyaabo kala duwan waxa ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose iyo Xerada Qaxootiga Soomaalida Kenya ee Ifo ugu dileen Saraakiil Maamulka KMG ah ee Jubba.
Sida ilo deegaanka ay inoo xaqiuijiyeen Dableey Hubeysan ayaa Magaalada Kismaayo waxa ay ku qaarijiyeen Saraakiishaan oo Lagu kala Magacaabi Jiray C/casiis Bilaal, Max’ed Xasan oo lagu dilay Kismaayo iyo Taliyihii Amniga Degmada Afmadow Aadan oo isna lagu qaarijiyay Xerada Qaxootiga Soomaalida Kenya ee Ifo.
Dilalkaan ayaa daba socda dilal kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay loo geysanayay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Jubba.
Shalay ayey ahayd markii Kismaayo Lagu qaarijiyay Sarkaal isla Maamulkaasi KMG ah Jubba ka tirsanaa oo lagu Magacaabi jiray C/raxmaan Qoordheere.
Inta badan dilalka Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan dagaalamayaasha Ururka Al Shabaab.
Shabelle