Wararka ka imaanaya Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya gaar ahaan Xerada Dhadhaab ayaa sheegaya in baabuur ay leedahay Hay’adda qaxootiga caalamka ee UNHCR ee laga soo afduubtay xeradaasi welina la la’yahay shaqaalo aan la cayimin oo Qaramada Midoobay ka tirsan.
Baabuurkaasi ay leedahay Qaramada Midooaby ayaa la afduubtay sida wararka horudhaca ah ay sheegayaan kadib iska hor imaad culus oo dhex maray Kooxo lagu tuhmayo Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta iyo Ciidamo ilaalo u ahaa shaqaalahaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa Warfidiyeenada u sheegay in darawalkii gaariga uu dhaawacmay kadib iska hor’ imaad dhacay saacado marka ay ahayd 9:00 Subaxnimo ee maanta ka dhacay Xeryaha Qaxootiga Kenya.
Saraakiil dowladda Kenya ka tirsan oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay in Gaarigaas iyo shaqaalaha saarnaa loo soo Kaxeystay dhanka Soomaaliya.
Shabelle