Shirka Golaha Wasiirada oo lagu Ansixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Bank-ga Dhexe

0
987

GolahaWasiirada20140403Kulankaan oo ay Maanta Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo saacado badan qaatay uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii uu soo idlaaday kadib waxaa Saxaafadda kaga Warbixiyay Ridwaan Xaaji Cabdi Weli Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliy isagoo sheegay in qodobo dhowr ah oo Muhim diiradda lagu saaray.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xaaladda Gud ee Amniga dalka looga hadlay shirka maanta ay Wasiirada yeesheen iyo Sameynta Maamullada degmooyinka iyo Gobollada dalka ee dhawaan laga xoreeyay Al Shabaab iyo kuwa kale ee dowladdu ku wajahan tahay si ay Maamul u helaan dadka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Dhinaca kale Ridwaan Xaaji Cabdi Weli ayaa sheegay in Goluhu ay maanta shirkooda ku ansixiyeen Guddoomiye Cusub oo uu yeelanayo Bank-ga dhexe ee Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabo Bashiir Ciise Cali iyo ku xigeenkiisa Maryan C/llaahi Yuusuf iyo 5 Xubin kale oo ah guddi ka noqonaya Bank-gaasi.

Kulankaan ay Golaha Wasiirada amanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa Kulamada ay ku dar dar gelineyso Xukuumadda Howlaha adage e horyaalla si ay u Muujiso waxqabad muuqdo.

Radio Muqdisho