Soomaalida Kenya ku nool oo dowladda ka codsaday in wax laga qabto dhibka lagu hayo

0
1064

NairobiSomalidaQafaash20140411_1Waxaa weli sii kordhaya cabashada ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ay ka muujinayaan qabqabashada ay ciidamada Kenya ku hayaan ayaa isa soo tareysa.

Ridwaan Xaaji Maxamed oo ka mid ah Soomaalida haysta sharciyadda Kenya, islamarkaana meherado ganacsi ku leh xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay inay isa soo tareyso tacadiyada ay ciidamada Kenya kula kacayaan Soomaalida.

“Ciidamadan waxa ay ugaarsi gaar ah ku hayaan Soomaalida oo kaliya, mana jirto cid kale oo ay beegsanayaan, anaga kii sharci haysto iyo midka aan haysanin, iyagu si iksu mid ah ayay ula dhaqmayaan, taasna ayaana keentay in aan cabashadeenu ku moojino halkan” ayuu yiri Ridwaan.

Ridwaan Xaaji waxaa kaloo uu ka hadlay wal walka iyo cabsida ay ku noolyihiin, isagoo xusay in ciidamada har iyo habeenba ay guryaha si xoog le ku soo galayaan, waxaana uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato dhibka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Dhawaan ayay ahayd markii gabar Soomaaliyeed oo uurleh ay dabaqa iska soo tuurtay markii askari ka tirsan ciidamada Kenya uu xoog ugu soo galay hooy ay ka deganayd xaafadda Islii, taasi oo haatan xaaladeeda caafimaad lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

Radio Muqdisho