Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay xariga saxafi Nuuradin Shardi – oo war akhriye ka ahaa idaacada SkyFM ee magaalada Muqdisho, kadib markii maalinimadii shalay ay hay’adda dembi barista ay igu yeertay su’aalo weydiin, kadibna xabsiga dhigtay markii uu ka jawaabay codsigoodii isla shalay Axad, 30 March, 2014. Waxaana uu ururku ku baaqayaa in si shuruud la’aan loo soo daayo, iyadoo tani ay qeyb ka tahay gaboodfalada loo geysto suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed.
Weriye Nuuradin Shardi ayaa xabsiga CID-da ku xiran muddo ka badan 24 saac, iyadoo sababta uu u xiran yahay aanay ilaa iyo hadda xarunta CID-du shaacin. Amarka lagu soo xiray weriyaha ayaa waxaa ka dambeeyay Taliyaha Baarista CID-da, Maxamed Khalif Farah (Shanliire).
Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa cambaareynaya gaboodfalada aan loo meel dayin ee loo geysanayo suxufiyiinta, isla markaana ah falal lagu caburinayo suxufiyiinta iyo bahda Saxaafadda, iyadoo xorriyadda Saxaafada lagu damaanad qaaday dastuurka federalka Soomaaliya ayuu yiri Xogyahaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, isagoo intaasi ku daray in si shuruud.