Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka codsaday maxkamadda ciidanka qalabka sida in ay baaritaano ku sameeyso shaqaaqadii dhowaan ka dhacday dagmada Balcad ee gobalka shabeellada dhexe oo lagu weeraray ciidamo ka tirasan booliska Soomaaliyeed.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Qaasim Axmad Rooble ayaa ka dalbaday Maxkamadda ciidamada qalabka sida iney baaritaano ku sameyso islamarkaana dacwad kusoo oogto guddoomiyihii hore ee degmada Balcad eedeysane Cismaan Xaadoole oo ciidamo Booliis ah oo ku sii jeeday degmada Jowhar ku weeraray degmada Balcad.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku boorriyay maxkamadda iney eedeysanaha ku riddo xukun u dhigma dembiga uu galay, isagoo xusay inuu eedeysanahaasi haatan uu ku jiro dhuumaaleysi islamarkaana ay ciidamadu ku raadjoogaan.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka Booliisku ay maxkamadda gacan ku siin doonaan soo qabashada eedeysanaha iyo dhameystirka dhamaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan kiiska loo heysto eedeysanahaasi.
Radio Muqdisho