Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay badbaadisay ugu yaraan 4000 oo qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ku soo socdaalay badda Mediterranean-ka.
Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga, Angelino Alfano oo u warramayay warbaahinta dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in ay sii kordhayso tirada muhaajiriinta ka imaanaya Waqooyiga Afrika, loona baahan yahay in wax laga qabto.
Wasiirka ayaa ka dalbaday waddammada Midowga Yurub inay adkeeyaan ilaalinta xeebahooda, si loo dhimo tirada sii kordhaysa ee muhaajiriinta.
Angelina ayaa cambaareeyey dadka soo qaban qaabiya socdaalka muhaajiriintu ku marayaan khatarta badan.
Kumannaan qof oo muhaajiriin ah ayaa sanad walba gaara xeebaha dalka Talyaaniga, si ay u galaan qaaradda Yurub, iyagoo kasoo cararaya colaad iyo shaqo la’aan ka jirta waddammadooda.
Bar-kulan