Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay guulo ka sheegteen dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Bakool oo dagaal xoogan uu ka dhacay

0
906

Ururka Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Bakool

AlshabaabBaraawa2Afhayeenka dhanka howlgalada ee ciidamada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay dhulka Soomali galbeed oo kusii jeeday Degmada Waajid ay wadada ugaleen.

Abuu Muscab oo sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay kasoo gudbeen degmada Yeed ee Gobalka Bakool ayna doonayeen inay Xudur halkaasi ka galaan balse ciidamo Shabaab ka tirsan ay halkaasi dagaal kala hortageen oo ay ku jabiyeen ciidanka Itoobiyaanka sida uu yiri.

Ciidamada Itoobiyaanka ayuu sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen oo ay ka carareen hub uu sheegay inay ciidankaasi lahaayeen.

Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in ciidamo kasoo baxay dhanka degmada Waajid oo doonayay inay u gurmadaan ciidanka wadada loo galay, iyagana uu dagaal culus ku qabsaday deegaan ku dhow degmada Waajid.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Afhayeenka howlgalada Shabaab inay dileen ciidamo gaaraya shan askari oo Itoobiyaan ah sida uu yiri inkastoo uusan tilmaamin khasaaraha dhankooda dagaalka kasoo gaaray.

Jowhar