Wafdi ka socda dowladda Britain oo booqday Kismaayo

0
910

KismayoCityWafdi uu hoggaaminayo danjiraha dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo qaar ka tirsan odyaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo, wuxuuna kala hadlay dardargelinta mashaariic horumarineed oo ay dowladda Britain ka waddo Kismaayo.

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso maamulkiisa sida; dayactirka garoonka kubbadda cagta Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ka codsaday dowladda Britain in ay gacan ka siiso maamulkiisa tayaynta iyo tababarka ciidanka iyo dib-u-dhiska waddooyinka iyo xarumaha dowladda ee magaalada Kismaayo.

Simon Fraser oo ah ma’suul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Britain oo kulanka kaddib warbaahinta la hadalay ayaa sheegay inay dowladdiisa sii wadayso taageerada ay siiso maamulka KMG ah ee Jubba, isagoo xusay in maamulka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta adeegyada bulshada.

Bar-kulan