Waxaa shalay degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay dhawaan qabsadeen ciidanka maamulka Somaliland gaaray wafdi xildhibaano ah oo ka socday dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu hogaaminayey xildhibaan Cali Khaliif Galeyr, waxaana wafdiga xildhibaanada ah halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyn heer-sare ah.
Xildhibaan Cali Khaliif oo la hadlay dadweynihii ku soo dhaweeyay degmada Taleex ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisa Taleex,Wuxuuna beeniyay warar la isla dhex-marayay oo sheegayay inuu dhawaan booqan doono magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, isla markaasna ay wadahadallo u socdaan isaga iyo maamulka somalailand,sida ay sheegeen wasiiro katirsan maamulkaasi oo warbaahinta warsiiyey ,inkastoo doraad ay hargeysa ka degeen wasiirkii maaliyadda ee khaatumo iyo garaad jaamac garaad ismaaciil oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Sool.
Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay qabsadeen degmada Taleex oo xarun u ahayd maamulka Khaatumo, in kastoo markii dambe ay isaga bexeen, degmadana ay ku soo noqotay gacanta maamulka.
Dhinaca kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Arimaha Dibadda ee maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inaan Somaliland marnaba aqabili doonin in koox Qasawadaayaal nabadiid ahi shirar xaaran ah oo aan Xukumada Somaliland fasax ka haysan ku qabtaan Dalka gudihiisa sida lagu yiri warsaxaafdeedkaasi oo sidoo kale lagu sheegay in Somaliland aysan marnaba Ogolaandoonin in lagu soo xad gudbo Soohdimaha ay la leedahay dalalka kale, mana dhacayso in dad qas-wadayaal ah oo Nabad diid ihi ay ku andacoodaan in ay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah oo aan Ogolaansho ka haysan Xukuumadda Somaliland, mana dhicin mana dhacayso in cid kale cadaadis ku saarto xoojinta dhaqdhaqaaqa maamul fidinta iyo sugida Nabad gelyada shacabkeeda meel kasta oo gudaha Somaliland ah.
Sidaa darteed, xukuumadda Somaliland waxay ka codsanaysaa dalalka jaarka ah, iyo ururada caalamiga ah inay ka digtoonaadaan gacansiinta abaabulka shirar ka dhan ah Qaranimada iyo Is-raacsanaanta Dhuleed ee Somaliland, iyo in ay Ixtiraamaan Soohdimaha Caalamiga ah, sida ay Somalilandba u ixtiraamto una aqoonsantahay Soohdimaha Caalamiga ah”ayaa lagu soogabagebeeyay warkaasi ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.
Warkii