Wafdi ka socda Q/midoobay oo kulamo goonigooni ah Baydhabo kula yeeshay maamulada iska soo horjeeda

0
953

baydhabo3Wararka naga soogaaraya magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa sheegaya in xafiiska ANSOM ee magaalada baydhabo uu shalay ka dhacay kulamo kala duwan oo wafdi ka socda qaramada midoobay xaafiiskeeda soomaaliya uu halkaasi kula yeeshay dhinacyadii maamulada iska soo horjeeda dhawaan uga dhawaaqay gudaha magaalada baydhabo,kuwaas oo siada warku sheegayo lagala hadlay qaabka ugu haboon ee xal looga gaari karo maamulada iska soo horjeeda ee baydhabo looga dhawaaqay.

Sida warku sheegayo wafdiga ka socday qaramada midoobay ayaa waxaa hogaaminayey ku xigeenka wakiilka xoghayaha guue ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya ,kaas oo xaafiiska ANSOM ee magaalada baydhabo kulamo gooni gooni ah kula yeeshay xubno kala metelayey labada dhinac oo hoggaankooduna ku jiro ilaa iyo haddana lama oga waxa ka soo baxay kulamadaasi lala yeeshay labada dhinac.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ku dhow dhow kulamadaasi ayaa sheegaya in labada dhinac mid walba lawaeydiiyey labo su,aal oo isku mid ah ,kuwaas oo ku kala saabsanaa dib uheshiis laga dhexsameeyo iyo doorka ay dowladdu arrimahaasi ku yeelan karto.

Sida warku sheegayo labada dhinac ayaa mid walba waxaa gaar looweydiiyey su,aal aheyd sida uu arko in dib uheshiisiin laga dhexsameeyo labadooda dhinac,waxaana la sheegay inuu dhinac kastaahi soo dhaweeyey arrintaasi, waxaana sidoo labada dhinac la weydiiyey inay diyaar u yihiin in dowladda soomaaliya ay dib u heshiisiintaasi ka dhexsameyso labada maamul, waxayna sida la sheegay dalbadeen in beesha caaalamku dib uheshiistaasi ka dhexsameyso halkii ay dowladda soomaaliya ka dhexsameynlaheyd iayagoo ka meermeeray in dowladdu soo dhexgesho labada dhinac oo ay dib uheshiisiin ka dhexsameyso, ilaa iyo haddana lama oga qaabka ay labada dhinac u rabaan dib uheshiisiinta uu mid kastaa sheegayo inuu doonayo in dhinaca ka soohorjeeda la heshiisiiyo.

Warkii